Ururka Xanaano

Contact
Home
NASRULAAH HOSPITAAL
Quran
Stay Connected

Search in site…
Search in site…
Thursday, July 16th, 2015 | Posted by Reporter2
Ururka Xanaano Oo Dad Isugu Jira Agoon Iyo Kuwo Danyar ah Deeqo Zako Ah Gaarsiiyey
HBN (2)
In ka badan 350 oo ruux oo isugu jira agoon naafo iyo dad
danyar ah oo ku nool magaalada galkacyo ee xarunta gobalka Mudug Ayaa Waxa ay ka faa’ideysteen Raashin Zakaatul Fitro ah ayna Soo Dhiibeen Qarashkiisa Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Ku Dhaqan Wadamada Englan,Denmark,Holand, Norwei iyo Mareykanka.
Xabiibo Maxamuud Cabdi koofuroow oo iyadu wakiil u ahayd ururka
Xanaano oo deeqdaan loo soo marsiiyay Ayaa Ka warbixisay Waxa Uu Yahay Raashinkaan Cidda Soo Dhiibtay Iyo Dadka Loogu Talo Galay In Lagu Sadaqeysto.
“Waxaa maanta halkaan ku bixineeynaa raashinkii fidrada ahaa ee ay soo
dhiibeen dadka walaalaha ee muslimiinta ah ee ku nool dibadda ayna
usoo dhiibeen dadka masaakiinta ah ee agoonta ah ee cuuryaamiinta ah
in la siiyo raashinka dadka in la siiyo aan ugu talagalnay waa
caruurta agoonta ee ay xanaaneeyaan uruirka xanaano iyo wixii kasoo
hara oo aan ugu talagalnay ineey qaataan dadka cuuryaamiinta ah iyi
dadka masaakiintaa ee dabkodu seexaday” Sidaas Waxaa Tiri Xabiibo Koonfuro.
Duqa dagmada Galkacyo Bile Diini cali oo isna madasha ka hadlay ayaa
ugu baaqay hay’addaha iyo dadkawax heystaa in aay u gar gaaraan dadka
danyartaa ee ku nool magaalada Galkacyo ee xaarunta Gobalka mudug.
Deeqdaan zakaatul fidrigaa ayaa qeyb ka ah deeqaha zakaatul fidrigaa
oo xiliyadaan oo kale la siiyo dadka masaakiinta ee ku nool caalamka
islaamka Taas Oo Ah Rukni Ka Mid Ah Diinta Islaamka.

Arday ku nool Gaalkacyo oo deeq lacageed la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Deeqdaan lacageed oo ah mid alaaba Ururka Xanaano uu ku taakuleeyo qaar ka mida carruurta agoonta ee wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Galmudug waxa ay gaarsiiyeen ilaa 80 carruur agoon ah oo wax ka barta dugsiyada Hoose Dhaxe ee magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

Xabiibo Maxamuud Cabdi Koofuroow oo wakiil u ah ururka Xanaano ee deeqdaan soo dhiibay ayaa sheegtay inay ugu talagaleen carruurta agoonta ah ee wax ka baratay Gaalkacyo.

“Deeqdaan waxaa bixiyay ururka Xanaano oo ah urur ka taakuleeya dhanka waxbarshada iskuulka iyo Quraanka qaar ka mid ah agoonta wax ka barata magaalada Galkacyo, agoontaasi oo gaareeysa ilaa 80 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho” ayay tiri Xabiibo.

Qaar ka mid ah ardayda agoontaa ee deeqda la gaarsiiyay ayaa dhankooda uga mahad celiyay ururka Xanaano taakuleynta waxbarasho ee ay ugu deeqeen, iyagoo ka codsaday in ay usii wadaan taakuleeyntaasi inta ay awoodaan

Ugu danbeena kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa faah faahin ka bixiyay muhiimadda ururka Xanaano uu ka taakuleeynayay ardaydaan dhanka waxbarashada.

“Ururka Xanaano waxa uu bilaabay in ardaydaan uu ka taakuleeyo dhanka waxbarashada maadiga iyo Diiniga sanadkii 2008, tirada ardayduna waa 80 araday oo wax ka barta qaar ka mid ah dugsiyada waxbarasho ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waana uga mahad celineynaa ka Wasaarad ahaan” ayuu yiri kormeeraha Wasaaradda waxbarashada Galmudug.

Aradaydaan agoontaa ee maanta la gaarsiiyay deeqda lacageed ayaa ka mid ah boqalaal arday oo agoon ah oo waxka barta qaar ka mid ah deegaanada Galmudug oo Ururka Xanaano ay ka bixiyaan dhaqaalaha waxbarashada maadigaa iyo tan Qur’aanka kariimkaa.