Daawo Sawirada Gaalkacyo

Deeqdaan lacageed oo ah mid alaaba Ururka Xanaano uu ku taakuleeyo qaar ka mida carruurta agoonta ee wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Galmudug waxa ay gaarsiiyeen ilaa 80 carruur agoon ah oo wax ka barta dugsiyada Hoose Dhaxe ee magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug
Xabiibo Maxamuud Cabdi Koofuroow oo wakiil u ah ururka Xanaano ee deeqdaan soo dhiibay ayaa sheegtay inay ugu talagaleen carruurta agoonta ah ee wax ka baratay Gaalkacyo.
“Deeqdaan waxaa bixiyay ururka Xanaano oo ah urur ka taakuleeya dhanka waxbarshada iskuulka iyo Quraanka qaar ka mid ah agoonta wax ka barata magaalada Galkacyo, agoontaasi oo gaareeysa ilaa 80 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho” ayay tiri Xabiibo.
Qaar ka mid ah ardayda agoontaa ee deeqda la gaarsiiyay ayaa dhankooda uga mahad celiyay ururka Xanaano taakuleynta waxbarasho ee ay ugu deeqeen, iyagoo ka codsaday in ay usii wadaan taakuleeyntaasi inta ay awoodaan
Ugu danbeena kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa faah faahin ka bixiyay muhiimadda ururka Xanaano uu ka taakuleeynayay ardaydaan dhanka waxbarashada.
“Ururka Xanaano waxa uu bilaabay in ardaydaan uu ka taakuleeyo dhanka waxbarashada maadiga iyo Diiniga sanadkii 2008, tirada ardayduna waa 80 araday oo wax ka barta qaar ka mid ah dugsiyada waxbarasho ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waana uga mahad celineynaa ka Wasaarad ahaan” ayuu yiri kormeeraha Wasaaradda waxbarashada Galmudug.
Aradaydaan agoontaa ee maanta la gaarsiiyay deeqda lacageed ayaa ka mid ah boqalaal arday oo agoon ah oo waxka barta qaar ka mid ah deegaanada Galmudug oo Ururka Xanaano ay ka bixiyaan dhaqaalaha waxbarashada maadigaa iyo tan Qur’aanka kariimkaa.

Contact Us

HANANO DEVELOPMENT ORGANISATION

Organization number: 992 744 510

Address: Grønland 6-8. 0133 OSLO. Norway

E-post: hanano.development@gmail.com

Tel: +47 951 12 273 or +47 918 58 467

Office Address

Norway and Somalia

Partners

Tawfiiq Islamsk Senter, innsamlingskontrollen, frivillighet norge and grace center for peace and development (GCPD)

Join Volunteer

Support Children

Copyright © Hanano.org